Cookie Consent by Free Privacy Policy Generator Update cookies preferences War-saxaafadeed

War-saxaafadeed

War-saxaafadeed: Xaaladda Hadda Ee Somaliland

War-saxaafadeed: Xaaladda Hadda Ee Somaliland

Qoraaga: Abdirahman Abdilahi

Young Somaliland entrepreneur; CEO and the founder of Stars & Stripes Store

Waxaan doonayaa inaan dhowr qodob ka idhaahdo arrimaha kasoo cusboonaaday dalkayga, taas oo aad moodo inay tahay waddadii ay Somaliland ku heli lahayd ictiraafka; sidoo kalana ay dib ugu soo ceshan lahayd haybadii ay lahayd.

Khariidadda Somaliland oo leh astaanta midnimada ✊️
Khariidadda Somaliland oo leh astaanta midnimada ✊️

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya:

Heshiiskani waa mid ka cadhaysiiyay cadowga Somaliland oo ay ugu horeyso dawladda Xamar ka dhisan; dadka qaar ayaa mooda in dawladda Xamar ka dhisani ay tahay dawlad Soomaaliyeed. Laakiin maaha, waa cadow gaamuray oo saqajaan ah oo ay ka buuxaan xiqdi iyo xasad. Ma jirto wax ay u quudhi karaan horumarka iyo nabadda ay haystaan shacabka reer Somaliland. Heshiiskaan wuxuu daaha ka qaaday xaqiiqda ah in Somaliland ay leedahay aayaheeda, oo ay diyaar u tahay inay mar kale iska caabiso cadaawada saqajaanimada ah ee Xamar ka soo burqanaysa.

Ciidamada Masar:

Masar waa nijaasta Islaamka; sidoo kalana waa dawladihii ugu horeeyay ee khiyaameeyay Falastiin, garabna u fidin weyday. Maanta inay yidhaahdaan arrimaha Somaliland ayaanu soo dhex galaynaa waa mid foolxumo ah. Waligay ma qiyaasi kari waayo inay Masar ku hamido inay Somaliland soo galaan iska daaye, xitaa masoo hawaysan karaan! Somaliland waxay leedahay geesinimo iyo damiir, taas oo aan wax saamayn ah ka qaadan doonin faragalinta cadowga.

Mawqifkayga ku aaddan arrintan:

Waxaan garab istaagaynaa dhammaan dawladaha garabka siinaya Somaliland. Ha ugu horeeyaan Itoobiya oo hiil iyo hooba la garab taagan, iyagoo ay ka go'an tahay inay ilaaliso jiritaanka Somaliland iyo xuquuqda shacabka. Somaliland way istaagi doontaa, mana u ogolaan doonto cadawgeedu inuu faraha la soo galo.

Dareenka Shacabka ee Guud:

Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin inay is difaacaan. Ma jiro wax cabsi ah oo kaga yimaada cadaawayaasha ka soo horjeeda rabitaanka shacabka, oo ay ka go'an tahay inay ilaashadaan madaxbanaanidooda iyo aayahooda. Somaliland waa mid ah, xooggan, oo isku duuban, waxayna u istaagaysaa inay difaacdo jiritaankeeda.

Post a Comment

Previous Post Next Post