©️2024 Buraopost Newsletter Update cookies preferences Madaxweyne Jsl Mudane Muuse Biixi oo La Kulmay Wefti ka Socda Maraykanka

Madaxweyne Jsl Mudane Muuse Biixi oo La Kulmay Wefti ka Socda Maraykanka

Madaxweyne Muuse Biixi oo La Kulmay Wefti ka Socda Maraykanka

Madaxweyne Muuse Biixi oo La Kulmay Wefti ka Socda Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftiga Maraykanka

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftiga Maraykanka. Credit: Buraopost

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga ee dawladda Maraykanka uga mahadnaqay iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee amniga geeska Afrika iyo dhinaca milatariga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Sidoo kale, waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbalka ee labada dhinac.

Weftiga Maraykanka oo ku sugan Madaxtooyada

Weftiga Maraykanka oo ku sugan Madaxtooyada. Credit: Buraopost

Dhinaca weftigana, waxay si wada jira u soo dhaweeyeen hadalka Madaxweynaha. Safiirka Maraykanka Amb. Richard H. Riley iyo Major General Brian Cashman ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga geeska Afrika. Waxa kale oo ay ku bogaadiyeen madaxweynaha horumarka dimuquraadiyada iyo bisaylka siyaasadeed ee dalka.

Safiirka Maraykanka oo hadlay

Safiirka Maraykanka oo ka hadlay xidhiidhka labada dal. Credit: Buraopost

Kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibeda, Arrimaha Gudaha, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka. Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey saraakiil sarsare oo ka mida ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika.

Support us on Ko-fi

Support us on Ko-fi: Help us continue providing reliable news coverage. Every donation counts!

Support us on Ko-fi

Post a Comment

Previous Post Next Post