Cookie Consent by Free Privacy Policy Generator Update cookies preferences Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, oo u Jawaabay wasiir fiqi

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, oo u Jawaabay wasiir fiqi

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dawladda federaalka Itoobiya, Nebiyu Tedla, oo jawaab kulul ka bixiyay hadalladii Axmed Macalin Fiqi

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalladii Wasiirka Arrimaha Dibadda Muqdisho, Axmed Macalin Fiqi

Nebiyu Tedla addressing media
Nebiyu Tedla, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, oo jawaab adag ka bixiyay hadallada Axmed Macalin Fiqi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Federaalka Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulka Muqdisho, Axmed Macalin Fiqi, oo ku hanjabay in ay xidhiidh la samayn doonaan jabhado ka jira gudaha Itoobiya. Hadalladan ayaa yimid ka dib markii Wasiir Fiqi sheegay in haddii Itoobiya ka laabato heshiiskii ay la gashay Jamhuuriyadda Somaliland, ay taageeri doonaan kooxaha mucaaradka ee Itoobiya ka jira.

Nebiyu Tedla ayaa jawaabtiisa ku sheegay in hadallada ka soo yeedhaya masuuliyiinta Soomaaliya, gaar ahaan wakiillada dawladda Muqdisho, ay yihiin kuwo aan laga fiirsan. Wuxuu farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ku tilmaamay in ay tahay arrin lagu qoslo in shaqsiyaadkaasi ay sheegtaan mas’uuliyiin dawladeed oo awood ku sheeganaya.

"Waa wax lagu qoslo in la arko wakiillo Al-Shabaab ah oo iska dhigaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan awoodin inay si hufan ugu shaqeeyaan meel ka baxsan Gobolka Banaadir. Waxay ku dhawaaqayaan waddaniyad madhan oo ay ka dambayso hannaan qabiilnimo," ayuu yidhi Nebiyu Tedla.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in hadallada noocan ah ay waxyeello u geysan karaan xiriirka dheer ee labada dal, Itoobiya iyo Soomaaliya, sidoo kalena ay dib u riixi karaan dadaallada horumarineed ee gobolka laga wado. Isagoo arrintaas ka sii hadlaya, wuxuu caddeeyay in Itoobiya aysan marnaba aqbali doonin in heshiisyada caalamiga ah laga hor yimaado, isla markaana ku tilmaamay in siyaasadaha wasiirada maamulka Muqdisho ay ku dhisan yihiin kicin iyo qabiilnimo, taas oo keeni karta burburka amniga iyo horumarka.

Nebiyu Tedla ayaa sidoo kale ku adkeystay in Soomaaliya aanay awoodin inay taageero ka hesho jabhadaha Itoobiya ku sugan, maadaama siyaasadaha gudaha Soomaaliya lafteedu ay aad u jahawareersan yihiin, wuxuuna ku taliyay in Soomaaliya ay ka fiirsato talaabo kasta oo ay qaadayso.

"Arrinkan oo kale wuxuu wiiqi karaa sannado badan oo horumar ah, wuxuuna Soomaaliya u horseedayaa god kale," ayuu ku sii daray Tedla.

Jawaabtan ayaa timid xilli uu maamulka Muqdisho uu si joogto ah u eedeynayay maamulka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Itoobiya, taas oo marar badan dhalisay xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyadan. Laakiin Itoobiya ayaa markan caddeysay inay tahay xukuumad ka go'an ilaalinta heshiisyada caalamiga ah iyo in aanu si fudud u burburin wada shaqeynta gobolka.

Sida muuqata, xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaya hadii maamulka Muqdisho uu sii wado siyaasaddan ku dhisan taageerada kooxaha ka soo horjeeda dowladaha dariska ah. Waxaan sugnaaba waa sida uu xukuumadda Itoobiya uga falcelin doonto tallaabooyinka ka imaanaya Muqdisho mustaqbalka dhow.

Post a Comment

Previous Post Next Post