Cookie Consent by Free Privacy Policy Generator Update cookies preferences Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland

Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa-29-08-2024 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.

Intii lagu guda jiray kulankan, Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyey salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diirran u soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda adkaynta xiriirka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale, labada dhinac waxa ay kulankooda diiradda ku saareen arrimaha amniga Gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, iyo iskaashiga mustaqbalka labada dal iyo shacabkaba. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in Somaliland diyaar u tahay inay sii wado wada shaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda ee labada waddan.

Sawirada Kulanka

Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka cusub ee Itoobiya Safiirka cusub ee Itoobiya oo waraaqaha aqoonsiga gudoomaya

ALLAA MAHA DLEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Post a Comment

Previous Post Next Post